Wednesday, June 25, 2025

Caasho Geelle oo kashiftay Shirqoolkii Puntland u dhigtay Ra’iisal wasaare Kheyre [Dhageyso sida wax u dhaceen]

Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Caasho Geelle ayaa faahfaahin ka bixisay wixii ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo shirqoolkii ay madaxda Puntland u dhigeen inay ku hor istaagaan socdaalkii uu ku tegay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Caasho Geelle oo magaalada Gaalkacyo kasoo jeeda, qeybna ka ahayd masuuliyiintii ka waanwaanta ka galay arrintan ayaa kashiftay wixii meesha ka dhacay iyo qorsheyaashii ay la yimaadeen wasiiradii Puntland ee ay ku doonayeen inay ku hor istaagaan Raiisal wasaare Kheyre, ilaa wasiiradii Puntland ay isku dayaan inay abuuraan jiritaanka xaalad amni iyo Gaadiid qaraxyo been sida oo ku jira magaalada Gaalkacyo, si loo joojiyo qorshihii Raiisal wasaaraha.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa telefoonka ku wadahadlay, iyadoo Deni uu diiday in Kheyre uu ka qeyb galo isu soo bax ka dhaca magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland.

HOOS KA DHAGEYSO CAASHO GEELLE

DHAGEYSO: Warbixinta Caasha Geelle

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON