Ciidamada Amniga Caasimadda Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Hub fara badan, Waxyaabaha Qarxa iyo xubno la tuhunsan yahay, kadib howlgal ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Hubkan oo lasoo bandhigay ayaa la sheegay inay ciidamada dowladda ku qabteen howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana sidoo kale lasoo qabtay qabteen, Qaraxyo, Gaari iyo dadkii waday oo ah.
Waxaa lasoo bandhigay Hubka la qabtay oo isugu jira: Garneylada Qoriga Baasuukaha (RPG), Bambo gacmeedyo, Rasaas kala duwan iyo agab kale, waxaana la sheegay in lagu qabtay Qof ku sugnaa Guriga hubka lagu qabtay iyo qofkii waday Gaariga.
Hay’adaha Amniga Dowladda ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin Saanadan lasoo qabtay, ina Alshabaab leeyihiin iyo inay tahay Hub laga ganacsaneyey, waxaana la filayaa in warbixin dheeraad ah laga soo saaro.



