Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Amniga oo soo afjaray weerarkii Wasaaradda Shaqada & Dableydii Alshabab oo lagu dilay

Ciidamada Amiga dowlada Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii dableyda Alshabaab ku galeen xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee degmada Shangaani, magaalada Muqdisho.

Saddex dabley ah oo ka tirsan Alshabaab ayaa gudaha u galay xarunta wasaaradda waayna ka dagaalamayeen muddo ku dhow 3 saacadood, iyadoo ciidamada ay ku go’doomiyeen qeybta hoose ee wasaaradda, waxaana dabaqa sare laga badbaadiyay qaar ka mida shaqaalaha wasaaradda.

Ciidamada Booliska G/Banaadir oo xarunta taliskooda ay ku dhegan tahay goobta weerarku ka dhacay ayaa si degdeg u gaaray xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoo ugu danbeyn soo afjaray howlgalka, isla markaana halkaasi ku dilay saddex dabley oo ka tirsaneyd Alshabaab.

Image may contain: one or more people, sky and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON