Ciidamada Dowladda Federaalka ee xoogga dalka iyo Maleeshiyad Degaanada Bariga Galgaduud ayaa maanta Alshabaab kala wareegay degaan u dhaxeeya magaalada Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.
Degaanka Labi-dulle oo 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud ayay la wareegeen galabta ciidamada, kadiib markii maleeshiyada Alshabaab ay isaga baxeen halkaasi, markii ay k awar heleen inay kusoo socdaan ciidamda.
Howlgalka oo ah mid ay hoggaaminayeen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo madaxweynaha Galmudug, ayaa waxaa wehliya qaar ka mida xildhibaanada federaalka iyo Galmudug ee kasoo jeeda degaanadaasi.
Ujeedka weerarrada ka socda Gobolka Galgadud ayaa ah in Alshabaab laga qabsado xaruntooda weyn ee degmada Ceelbuur, waxaana ciidamo badan dhowaan ay gaareen magaalda Dhuusamareeb si qorshahasi loo fuliyo.
