Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay dhaqdhaqaaq bilaabeen ciidamada ay dowladda Federaalka ku daabushay magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamadan oo ka kooban Haramcad ee Booliska Gaarka ah iyo Gorgor oo ah kumaandooska ah ee milateriga ayaa ayaa xalay laga dhaqaajiyey magaalada Dhuusamareeb, iyagoo laga dejiyay deganka Ceeldheere oo u dhaxeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Dhaqaajinta ciidamadan ayaa imaaneysa iyadoo laga digay dagaal uu maamulka Galmudug ku qaado magaalada Guriceel oo ay dhowaan qabsadeen maleeshiyada kooxda Ahlu suna. Maamulka degaanka Ceeldheere ayaa sheegay in ciidamada halkaas gaaray ay u socdaan Alshabaab.
Madaxweynaha Galmudug ayaa diiday inuu wax wadahadal ah la galo kooxda Ahlu Suna, inta ay xoog ku heysato maagaalada Guriceel iyo degaanada kale ee ay qabsatay, isagoo shuruud uga dhigay inay marka hore ka bannaan degaanada nabdoon ee ay qabsadeen.
Dagaal ka dhaca magaalada Guriceel ayaa hore looga digay inuu keeni doono qasaare iyo barakac, waxaana ciidamada dowladda Federaalka ee tegay Dhuusamareeb la ogeyn xilliga ay howlgalkooda bilaabi doonaan.
