Wednesday, July 2, 2025

Muxuu yahay Shirka Golaha Amniga Q/Midoobay ee uu maanta Guddoominayo Uhuru Kenyatta..?

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Axadil gaaray magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay, isagoo maanta guddoomin doona shirka Golaha Amniga Qaramada Midoobay.

Dowladda Kenya ayaa ka mida dalalka aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga Qaramada Midoobay, wuxuuna socdaalka Uhuru Kenyatta ee New York iyo shirka Golaha Amniga ee uu guddominayo maanta kusoo beegmay iyadoo Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqi doonto go’aanka Dacwadd Badda ee Somaliya iyo Kenya.

Shirka Golaha Amniga ee maanta ayaa ku saabsan Dood furan oo ku saabsan kala duwanaanshaha, dhismaha dawladnimada iyo nabadda. Waxaa lagu wadaa inuu Uhuru Kenyatta shirkan ugu faa’iideysto inuu ka hadlo xaaladda Soomaaliya iyo dacwadda Badda ee kala dhaxeysa.

Kenya waxay marar badan isku dayday inay kiiska Badda ee yaalay Maxkamadda ICJ kasoo celiso ama u adeegsato dalal kale si ay Soomaaliya ugu qanciyaan inay ka laabato dacwadda, waxayna ku dooday inuu keeni karo nabadgelyo darro Gobolka ka dhacda oo ay ka faa’iideysato Alshabaab.

Sida laga soo xigtay Wakiilka Joogtada ah ee Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb Martin Kimani, ajandaha ugu weyn ee Kenya ka leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ah in la soo bandhigo fikrado iyo xalka nabadda iyo amniga adduunka ee meelaha sida Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil ee dhibaatadda badan ka taagan tahay.

Kenya waxay xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka mid noqotay 1-dii Janaayo ee sannadka 2021, oo muddo laba sano ah ay xilkaasi heyn doonto, waxayna Bishan Oktoobar heysaa madaxtinimada wareegtada ah ee Golaha.

Uhuru Kenyatta wuxuu wada-hadal laba geesood ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteress, kaasoo looga hadlay xiriirka laba dhinac iyo xaaladda Covid-19.

Image

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON