Waxaa saaka magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Ciidamadan oo si xoog leh u hubeysan, isla markaana sita qoryaha boobayaasha culus ayaa diyaarad kasoo qaaday magaalada Kismaayo, waxayna hordhac u yihiin Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe u u galabta imaan doono magaalada Muqdisho, isagoo xarun looga diyaariyey gudaha degaanka Xalane, wuxuuna ka qeyb geli doonaa shirka wadatashiga ee lagu dhammeystirayo heshiiska doorashada oo ka dhaceysa xarunta Afisyoone.

