Friday, July 4, 2025

Ciidamada NISA oo howlgalkii ugu weynaa ka sameeyay Muqdisho intii uu la wareegay Mahad Salad

Ciidamada Hay’adda NISA, gaar ahaan kuwa gaarka ah ayaa howlgalkii ugu weynaa ka sameeyay magaalada Muqdisho, intii uu xilka Hay’adda Sirdoonka la wareegay agaasimaha cusub Mahad Maxamed Salaad aakhirkii bishii May 2022.

Howlgalka NISA ayaa ka dhacay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo xaafado kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana lagu beegsaday kooxo abaabulan oo dhac, burcadnimo iyo tuugo ka geystay caasimadda.

Howlgaladaan ayaa yimid kadib cabasho ka timid shacabka xaafadaha Mudisho qaarkood oo qeylo dhaan kasoo saaray burcad iyo tuuuro habeen iyo maalin dhac ku haya.

Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamadu howlgallo ay wadaan, sidoo kalena gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo khal-khal galisa amniga magaalada.

Howlgalka ciidamada NISA ayaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baari taano loogu sameeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON