Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ah Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Caawa ay ka jirto xiisad ka dhalatay Sarkaal sare oo katirsan Jabhada ONLF oo laga soo duuliyay Cadaado.
Sarkaalkan ayaa ahaa Isku xiraha ONLF, Waxaana lagu magacaabaa C/Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo mudo kusiman 15 Sano ku noolaa Koofurta Magaalada Gaalkacyo.
Xarunta Dhexe ee Nabad Sugida Somaliya ee Muqdisho ayaa bixisay amarka ah in gacanta lagu soo dhigo Sarkaalkan si looga badbaadiyo Ciidamo uu watay Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo si aad udoon doonayay Qalbi Dhagax si ay ugu wareejiyeen Sirdoonka Itoobiya.
Janaraal Galaal oo katirsan Booliska Aduunka ee InterPol ayaa qaatay howlgalka lagu soo qabanayo ninkan balse waxaa barbar socday qorshayaal ay wadeen Nabad Sugida Somaliya oo saldhigyo waaweyn ku leh magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
17-Kii Bishan ayey markii Ciidamo katirsan Nabad Sugida Galmudug qaadeen howlgal umuuqday inuu ahaa mid qorsheysan kaasoo lagu soo qabtay C/ Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ku sugnaa meel maqaaxi ah, waxaana loo sii gudbiyay Cadaado.
Gelinkii danbe ee Jimcihii shalay ayaa Sarkaalkan ONLF katirsanaa waxey diyaarad gaar ah ka soo qaaday Garoonka Cadaado, waxaa loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho iyadoo gawaari qafilan looga soo qaaday garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay inuu ka carooday howlgalka NISA ay Muqdisho ugu soo wareejiyeen xubintan katirsan Jabhada ka dagaalanta Ismaamulka Somalida Itoobiya.
Wasiirka amniga Galmudug Cismaan Nuur Taardhuleed oo ka carooday falkaasi ayaa Galabta shir jaraa’id uu ku qabtay Cadaado Suxufiyiinta ugu sheegay iney ka xunyihiin howlgalkaas, wuxuuna Dowladda dhexe ka dalbaday in Ninkaasi gacanta Galmudug dib loogu soo celiyo.
Howlgalka ay Sameeyeen NISA ayaa lagu amaanay maadaama ay ka xog ogaalsanaayeen Sirdoonka ay dirsatay Itoobiya, Waxaana lagu guuleystay in gacanta Itoobiya laga badbaadiyo Qalbi Dhagax oo ah xubin firfircoon oo kamid ah Masuuliyiinta Jabhada Xornima doonka ee ONLF.
Lama oga halka uu ku dambeyn doono sarkaalkan oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee fal noocan ah uu ka dhaco gobollada Dhexe.