Tuesday, July 29, 2025

Ciidamada Somalia & kuwa Itoobiya oo Degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan kala wareegay Alshabaab

Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Gobolka Hiiraan ayaa degaano iyo tuulooyin ka qabsaday Alshabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan Jen. Tawane Axmed Gurey oo shir jaraa’iid maanta ku qabtay Magalaada Baladweyne ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka itoobiya ay la wareegeen deegaano u dhexeeya Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaal aya qaadeen labada ciidan oo iskaashanaya ayaa yimid iyadoo uu socdo howlgal maalintii labaad lagu furayo waddooyinka u dhaxeeya Maxaas iyo Beledweyne, waxaana taliyaha qeybta 5-aad ee ciidamada xoogga dalka Jen. Tawane Axmed uua sheegay in deegaanno badan oo markii hore fariisin u ahaa Al-shabaab ay saacadihii la soo dhaafay ciidanka xoogga ay gacanta ku dhigeen.

“Howlgallo ayaa ka bilowday Gobolkaan Hiraan aagga u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ayaa Al-shabaab waxay isku dayeen inay jidadka ay ka jaraan dadka oo magaalooyinka ay kala jaraan sida caadada u ah dadka ayay ku dhibaateeyaan xoolo baadna waa ay uga qaadaan, meeshaan howlgal ayaa ka bilowday sideedii bisha “. ayuu yiri taliyaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON