Saturday, April 20, 2024

Ciidamadii Mareykanka iyo kuwa Somalia oo ka baxay degaanka Baar Sanguuni & Alshabaab oo la wareegay [Sawirro]

Ciidamada Soomaaliya, kuwa Kenya ee AMISOM iyo ciidamadii Mareykanka ahaa ee dhowaan degay xarunta Baar Sanguuni ayaa isaga baxay halkaasi, kadibn weerarro is xigay oo ay Alshabaab ku qaaday.

Wararka ayaa sheegaya in degaanka Baar-sanguuni oo 50-KM dhinaca waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo ay ka gurteen ciidamadii huwanta ahaa ee halkaasi  qabsaday, waxaana ay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo, kadib weerarkii jimcaha iyo is-miidaan laga hortegay oo shalay lagu qaaday.

Diyaaradaha Ciidamada Mareykanka ee helikobtarrada ah ayaa lagu daadgureeyay  ciidamadii Mareykanka ka joogay halkaasi, inkastoo ciidamo fara badan oo Soomaali ah halkaasi la geeyay, haddana ma cadda qorshaha dib u gurashada.

Ad

Ciidamada Soomaalida oo tiradooda ay gaareyso 480 askari ayaa iyaguna xalay baneeyay deegaankaasi, waxayna uga soo baxeen safar dhanka dhulka ah, saqdii dhexe ee xalayna waxay ku hoydeen meel u dhow Degaanka Yoontooy, oo 20-KM dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo.

Alshabaab ayaa la sheegay in dib ula wareegeen  degaanka Baar Sanguuni, sida ay sheegeen dadka degaanka.

HOOS KA DAAWO CIIDAMADII DOWLADDA EE KU SUGNAA SANGUUNI

- Advertisement -

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON