Sunday, July 13, 2025

Ciidamo Beeleed ka horjeeda Madaxweynaha Hirshabeelle oo qabsaday Qeybo ka mida Beledweyne

Wararka laga helyo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamo beeleed is abaabulay oo ka horeeda madaxweynaha Hirshabeelle ay qabsadeen saldhiga lama-galaay ee magaaladaasi.

Arrintan ayaa soo baxday iyadoo la hadal hayey inuu magaalada Beledweyne tagayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe, waxaana magaalada ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale.

Maleeshiyo la baxday ‘Badbaadada Gobalka Hiiraan’ ayaa caawa la wareegtay Xerada Lama-galaay iyo degaanka Nuur-Xawaad ee magaalada Beledweyne, waxaana maleeshiyadan la sheegay inuu hogaaminayo Sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Barre oo dhowaan laga qaaday xilkii, isgoo ka tirsanaa Milateriga Soomaaliya qeybta 27-aad.

Sidoo akle dadka abaabulkan Maleeshiyad wada waxaa ka mida Nin lagu magacaabo Nuur Dheere oo laga qaaday xilka guddoomiye ku-xigeenka Sh/Dhexe. Xaaladda magaalada ayaa kacsan iyadoo laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan.

Ma jirto cid xaqiijisay wararka sheegaya inuuy Berri Cali Guudlaawe ku wajahanaa magaalada Beledweyne, isagoo aan tegin tan iyo intii la doortay ku dhowaad sanad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON