Sunday, July 13, 2025

Ciidamo ka horjeeda Siciid Deni oo la wareegay qeybo ka mida Magaalada Garowe

Wararka laga helayo magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya inay saaka xiisad ka taagan tahay magaalada, kadib markii ay goobo ka mida la wareegeen ciidamo ka horjeeda Doorashada uu wado madaxweynaha maamulkaasi Siciid C/llaahi Deni.

Ciidamadan oo ah guutada labaad ee Danab-ka Puntland ayaa waxaa hoggaamiya Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar, waxayna dhowaan soo saareen Digniin ku saabsan inaan magaalada Garowe laga qaban karin diiwaangelinta Doorasho aan la isku raacsaneyn ayaa lagu arkay gudaha magaalada, iyagoo ka ruuqaansaday fariisimahoodii duleedka Garowe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka warheleen qorshe uu madaxweyne Siciid Deni doonayey inuu ku weerarro, kadibna ay go’aansadeen inay magaalada galaan, halka dhinaca kale ciidamo badan ay Garowe kusoo jeedaan.

Ciidmadii difaaca Puntland ee ku sugnaa Gobolka Bari ayaa lagu amray inay tagaan magaalada Garowe, waxaana hadda kacsan xaaladda iyadoo rasaas goosgoos ah laga maqlayo magaalada Garowe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON