Dagaal xoog leh ayaa Bariga Mudug ku dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo dad xoolo dhaqato ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee gobolka Mudug laga helayo ayaa sheegaya in dagaalkani ka dhacay tuulada jeexdin ee duleedka magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay ciidamada Puntland weerar ku qaadeen dad xoolaley ah oo is urursanayay kana soo jeeda Galmudug.
In ka badan 10 qof oo dadka xoolo dhaqatada ka mida ayaa lagu dilay weerarkaasi, waxaana lagu dhaawacay 15 kale. Dagaalka ayaa dhacay waaberigii saaka ka hor salaadii subax.
Degaankaasi ayaa hore waxaa uga jiray xiisad colaadeed oo u dhaxeysay laba beelood oo xoolo kala dhacay, waxaana cusub in ciidamo rasmi ah ay soo dhex galaan oo ay weerar xoog leh ku qaadaan dadkaasi.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku saabsan dadka lagu laayay degaanka Jeexdin ee Bariga Gobolka Mudug. Qaar ka mida warbaahinta Puntland ayaa dadka xoolo dhaqatada ah ku tilmaamay inay ahaayeen Alshabaab.
DHAGEYSO QOF KA MIDA DADKA DEGAANKA OO KA WARRAMAYA WEERARKA
Goobjooge.com