Sunday, July 13, 2025

Ciidamo taabacsan Yuusuf Dabageed oo la wareegay qeybo ka mida magaalada Beledweyne & Maamulkii…

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ay la wareegeen xarumo iyo qeybo ka mida magaalada Beledweyne.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay la wareegeen koontaroolada laga galo magaalada iyo xaruntii maamulka Maaliyadda magaalada Beledweyne, waxayna ka danbeysay markii madaxweynaha Hirshabeellle uu xilka ka qaaday Yuusuf Dabageed oo xalay si kulul u weerarray madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Dhinaca kale maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku kala qeybsamay xil ka qaadista Yuusuf Dabageed, waxaana taageeray xil ka qaadistiisa inta badan maamulka Gobolka Hiiraan, halka qeyb kale ay ka hor timid ayna la safatay Guddoomiye Yuusuf Dabageed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON