Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la yeeshan qaar ka mida Culimada Soomaaliyeed ee taageerada dowladda Soomaaliya, kuwaasoo kala hadlay muranka ka taagan arrimaha xajka ee sanadkan.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Culimadu ka dalbadeen Ra’iisal wasaaraha in xal degdeg ah loo helo xajka sanadkan oo dhibaato ay hareysay. Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah culimada la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha u balanqaaday xal laga gaaro arrintaasi.
“Waxaan tallooyin ka siinay arrimaha Xajka iyo sida ugu fiican ee lagu xajin karo, sidoo kale amniga talooyin ku saabsan iyo cabashooyin nagu soo dhac dhacay oo bulshada xageeda nooga yimid, aad ayuuna nooga qanciyey, isagoo noo sheegay in waxyaabo badan oo dadku ka cabteen in wax ka qabanayo, waxaan kaloo kala hadalnay araah ku aadan arrimaha garsoorka.. ” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis oo intaas ku daray in Ra’iisal wasaaruhu u sheegay arrimo badan oo uu gacanta ku hayo isbedelka uu dhici doono.
Culimada ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre kala hadlay laba qodob oo ah kuwa ugu waaweyn ee xukuumadiisa looga cabanayo, kuwasoo kala ah: Muranka ka taagan xajka iyo wadooyinka xiran ee magaalada caasimadda ah oo dhibaato weyn ku haya dadka degan caasimadda.