Saturday, July 5, 2025

Cumar C/rashiid oo iska fogeeyay Bayaan ay soo saareen Faroole, C/weli Gaas iyo Guddoomiye Jibriil

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharma’arke ayaa iska fogeeyay Bayaan ay soo saareen Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo madaxweynayaashii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo C/weli Gaas.

Qoraal kooban oo beenin ah ayuu Cumar C/rashiid ku caddeeyay inuusan la socon Bayaankaasi, qeybna ka ahayn, isagoo iska fogeeyay hadallada uu xambaarsan yahay Bayaanka, wax talo ahna aanu ku lahayn.

“Bayaan loo qaybiyey warbaahinta laguna sheegay inuu kasoo baxay wafdi aan ku jiray ayaan wax ka oran. Waxaan caddayn inaan la igalana tashan oo aanan qayb ka ahayn Bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso Dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cumar C/rashiid.

Bayaanka soo baxay caawa ayaa ka horjeeday bayaan kale oo ay xaaladda Boosaaso kasoo saareen isimo kasoo jeeda Gobolka Bari oo u muuqday inay la safteen agaasimaha hay’adda PSF ee diiday xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Puntland, kadibna ku lug yeeshay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Siyaasiyiintii, odayaashii iyo Isimadii Puntland ee laga sugayey xalka dagaalkii Boosaaso ayaa hadda u muuqda inay isku khilaafeen, kuna qeybsameen xalinta arrinta Boosaaso.

Cumar C/rashiid oo kashifay Muddo kororsi kooban oo xukuumadiisa dooneyso

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON