Friday, July 4, 2025

Siyaasiyiin iyo Guddoomiyaha Barlamanka Puntland oo ka hor yimid Go’aankii Isimada Bari (Qoraal)

Bayaanka ay soo saareen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliy ayaa ka horyimid qoraal ay xalay soo sareen qaar ka mida Isimada Puntland ee Gobolka Bari.

Xubnahan waxay sheegeen inaysan wax talo ku laheyn qoraalka Shant Isim oo ay ku arkeen baraha Bulshada, isla markaana aanu ahayn mid wax u taraya xasilloonida iyo Wadajirka Puntland.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

BAYAAN, BOOSASO 12 JANUARY, 2022

Bismillah, Annaga oo ah Wafdi ka kooban Gudoomiyaha Golaha Wakilllada Puntland Mudane Cabdirashid Yuusuf Jibril, Laba Madaxweyne Hore: Senator Cabdiraxman Sheikh Maxamed Maxamuud Farole, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Raysal Wasaare Hore Cumar Cabdirashid Call Sharmaarke iyo xubno kale oo wafdiga ka mid ahaa, waxaan nabadeyn iyo xasilooni-soo-celin u nimid Magaalada Boosaaso 29kii December, 2021.

Sidoo kale, waxaan Garoowe kulamo kula soo yeelanay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, intii u dhaxeysay 25-28 December, 2021. Intii aan joognay magaalada Boosaaso, waxaan kulamo la yeelanay Isimadii qoraalkii hore soo saaray, Wasiirada Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka, Maamulka Degmada, Culimada, Ganacsatada iyo Haweenka.

Sidaas oo kale, waxaan la kulanay dhammaan saraakiisha Amniga sida: PSF, PMPF, Daraawiishta, Police-ka iyo Nabad-Sugidda ee Boosaaso ku sugan. Wafdigu wuxuu ka qeybgalay kulamo fara badan oo lagu xoojinayo Amniga iyo Xasilloonida Boosaaso.

Waxaa magaalada ka muuqata kalsooni-soo-noqosho nabadeed, shacabkii qaxay oo soo laabtay, ganacsigii oo dib-u-furmay Madaarka iyo Dekedda oo si buuxda u shaqeynaya. Haddaba, waxaan caddeyneynaa in qoraalka Isimada 5ta ahi ay soo saareen aanu khusayn ergadayada, talo aanaan ku lahayn, wellba sidii aan kula balanayna, aysan nala wadaagin, balse aan ku aragnay baraha bulshada.

Sidoo kale, qoraalka soo baxay 11 January, 2022, maaha mid wax u taraya Xasiloonida iyo Wadajirka Puntland. Ugu dambeyntii, waxaan ugu baaqeynaa inta ay khuseyso oo dhan in la ilaasho, nabadda iyo xasiloonida Boosaaso inta markale la isaga imaanayo iyadoo maanka lagu haynayo in nabadgelyada Boosaaso iyo Puntland aysan marna gorgortan gali karin.

Wabillaahi Towfiiq.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON