Xubin ka tirsan Alshabaab ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Sh/Hoose ee maamulka Koonfur Goboleed.
Isxaaq Abshir ibraahim Aadan Magacaoo loo yaqaan (Cabdullahi) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 60aad, kadi markii uu muddo 7-Sano ah ka mid ahaa Alshabaab.
Ninkan wuxuu sheegay inuu Alshabaab u qaabilsanaa karinta Raashinka iyo ciidamada Jabhadda loo yaqaan ee dagaalama, Wuxuuna ka qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Deeganada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeellaha hoose, ay ka mid yihiin Awdheegle, Janaale iyo lambar 50 .
Horjooge Isxaaq Abshir wuxuu sheegey in sababta ku kaliftay inuu Al-Shabaab ka soo baxsado ay keentay markii uu arkey Dhibaatada ay ku hayaan Shacabka soomaaliyeed .
