Shirkii Musharixiinta xilka Madaxeynaha Soomaaliya ayaa maalintii koowaad looga hadlay xaaladda doorashada dalka iyo sidii loo heli lahaa doorasho loo dhan yahay oo dalka kad hacda.
Gabagabadii shirka maalintii koowaad ayaa waxaa saxaafadda la hadlay musharax Daahir Maxamuud Geelle oo sheegay inay u muuqatay inay dimoqraadiyadii curdunka ahayd ee Soomaaliya inay isu bedelo rabto Diktaatooriyad miciyo leh, sida uu yiri.
“Waxaa na kulmiyey waxay tahay qatar Muuqata oo kusoo wajahan Geeddi socodkii Siyaasadda Soomaaliya. Dimoqraadiyadii curdanka ahayd ayaan dareenay inay isu bedeli rabto diktaatooriyad miciyo leh oo dhulka hoos u gasha..”
Wuxuu sheegay Musharaxiinta maanta is cafiyeen ayna meesha ka saareen mad-madowgii dhexdooda ahaa, meelna uga soo wada jeestaan sidii marxalada haatan uu dalka ku jirto uga gudbi laheyd,isagoo ku eedeeyay dowladda hadda jirta oo aan dooneyn inay abuurto jawi doorasho xalaal ah ku dhcii karto.
Daahir Geelle wuxuu caddeeyay inaan la aqbali doonin Guddi ay ku jiraan Nabadsugida iyo shaqaalaha dowladda, isla markaana ay doonayaan inay saxaan qalooca dowlada jirta ay gelisay doorashda aysna awood u laayihiin inay saxaan.
Shirka Musharixiinta Madaxweynaha ee maanta ka furmay Hotelka Jazeera ayaa socon doona ilaa maalinta Isniinta oo la filayo go’aano laga oo saaro.
