Monday, July 14, 2025

DAAWO: Kulankii kediska ahaa ee Jabuuti ku dhex maray Sheekh Shariif & Xasan Sheekh

Kulan kedis ahaa oo aan hore loo qorsheyn ayaa magaalada Jabuuti ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilli ay socotay qaabilaadda wafdiyadii ka qeyb galay xafladii caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Somaliya ayaa laga dareemayay inay la yaab iyo kediso ku noqotay la kulanka Shariif Sheekh Axmed oo ay markaasi wada  joogeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, waxaana uu si fiican u marxabeysiiyay madaxweynaha hore iyadoo qosol gariir laga dareemayay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.


DAAWO SAWIRADDA

shariif01

shariif02

shariif03

Shariif04

shariif05

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON