In ka badan 13 ruux oo u badan askar shirkad ammaanka UN-ka qaabilsan ayaa ku geeriyootay qarax weyn oo saaka lala beegsaday xarunta Villa Nabadda oo fariisin u ah Howlgalka Q/Midoobay ee UNSOM, kana soo horjeeda garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Qaraxa weyn ee xaruntan ayaa lagu geystay gaari weyn oo UD ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, iyadoo uu ka joreeyay qarax kale oo lala beegsaday Bar koontarool oo laga ilaaliyo iridka Madiina Gate ee dhinaca degmada Wadajir.
DAAWO SAWIRRO
