Ra’iisal wasaare ku xigeenka Turkiga Hakan Cavusoglu ayaa kulamo kala gaara Muqdisho kula yeeshay caawa madaxda dowladda Soomaaliya.
Hakan Cavusoglu oo maanta kasoo degay magaalada Muqdisho ayaa la kulmay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisale wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay ka wadahadaleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.
Ra’iisal wasaare ku xigeenak Turkiga Hakan Cavusoglu ayaa sheegay in Turkigu sii wadi doono taageerada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya. Waxaana kulan laba Geesood ah dhex maray wafdiga Turkiga iyo xukuumadda Soomaaliya.
