Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdigii uu hoggaamineyay ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Waxaa Garoonka si diiran ugu soo dhoweeyay mas’uuliyiinta Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne C/weli Gaas, waxaana garoonka uga hortegay siyaasiyiin, waxgarad, ganacsato iyo dadweyne fara badan oo ku sugnaa garoonka Garowe iyo gudaha magaalada.
Waxaa magaalada Garoowe isugu soo baxay dadweyne ku lebisan calamada Soomaaliya iyo Puntland, isla markaana wata boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul wasaare Kheyre oo halkaasi joogi doono dhowr maalmood isagoo ka qeyb geli doono xuska sanadguurada 20-aad ee dhismaha Puntland.