Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo Weerar ku qaaday Degaanka Camaara iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii aya maleeshiyada Alshabaab weerar culus ku qaadeen degaanka Camaara ee Koonfurta Mudug.

Weerarkan oo ahaa mid kedis ah ayaa ku bilowday Qarax loo adeegsaday Gaari, waxaana xigay dagaal xoog leh oo dhex maray labada dhinac, waxaana war kaso baxay saraakiisha ciidamada xoogga dalka lagu sheegay inay ka hortageen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen Saldhiga Ciidanka Xooggu ku leeyihiin magaalada camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha Xoogga Dalka qeybta 21 ayaa Warbaahinta dowladda kasoo xigatay inay qasaaro Xooggan gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii kusoo duulay magaalada camaara ayna soo bandhigi doonaan.

Wararka laga helay dadka degaanka ayaa sheegaya in Alshbaab ay markii hore la wareegtay saldhigga, balse weerar rogaal celin ah looga saaray, iyadoo qasaare fara badan laga soo sheegay inuu dhaliyay dagaalka.

Dhinaca kale war kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay cagta mariyeen saldhigii ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug e degaanka Camaara, ayna qasaare lixaad leh gaarsiiyeen.

Warka Alshabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inay la wareegaan Saldhigga ayna qabsadeen gaadiid dagaal iyo sanad, laakiin ma jirto cid xaqiijisay oo ka madax bannaan labada dhinac, waxaana la xaqiijiyey inuu dagaal culus aroortii saaka halkaasi ka dhacay….

Camaara ayaa ka mida degaano dib looga qabsaday Alshabaab, kadib howlgalkii ka dhacay Koonfurta Mudug ee ciidamada huwanta ku qaadeen halkaasi.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON