Monday, July 14, 2025

Ciidamada Axmed Madoobe oo go’doomiyay Guriga xildhibaan C/rashiid Xiddig & Wararkii ugu danbeeyay..

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam ay go’doomiyeen Guriga musharax C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mida Golaha isbedel doonka kasoo horjeeda Axmed Madoobe.

Warka ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo kuwa daraawiishta Jubbaland ay go’doomiyaan Guriga uu magaalada Kismaayo ka degan yahay Xildhibaan C/rashiid Xiddig iyadoo aanay jirin cid geli karta ama ka bixi karta, waxaana ciidamada lagu arkay dhismooyinka ku dhow Guriga Xiddig.

Ilaalada C/rashiid Xiddig ayaa la sheegay inay difaac ku jiraan, iyadoo xaaladda ay kacsan tahay, waxayna goobjoogayaal sheegaan in isku dhac halkaasi ka dhici karo.

Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa ka mida xubnaha ugu firfircoon ee isbaheysiga musharixiinta Isbedel doonka Jubbaland oo magaalada Kismaayo ka waday doorasho barbar socota doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee Berri ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta la joojiyey isu socodka gaadiidka oo dadku lugeynayaan, iyadoo si weyn loo sugay amniga, isla markaana laba goobood ay doorasho ka dhaceyso Jubbaland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON