Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Dagaal ka Qarxay duleedka magaalada Beledweyne & Sarkaal lagu dilay…

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu dagaal ka qarxay degaanka kala-beyr ee duleedka magaalada Beledweyne, Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan askarta dowladda Somalia ee kala taabacsan maamulka Hirshabeelle iyo guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Yuusuf Dabageed, iyadoo wararku sheegayaan inuu dagaalku yimid kadib markii labada ciidan auy isku qabteen qaadista canshuurka barta Koontarool ee Kala-beyrka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in dagaalka uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo lagu dilay taliyihii qeybta Booliska Col. Maxamed Macow  iyo saraakiilkii ku xigeenka u ahaa oo lagu dhaawacay.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Gobolka Hiirabn ay hareysay xiisad ka dhalatay xil ka qaadista madaxweynaha Hirshabeelle ku sameeyay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku gacan seyray arrintaasi.

LA SOCO WIXII KASOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON