Friday, April 19, 2024

DEGDEG: Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo ansixiyey sharciga Doorashooyinka & Xisbiyada..

Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo ka socda xarunta Madaxtooyada ayaa lagu ansixiyey Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta Siyaasadda oo Dib-u-eegis lagu sameeyay.

Golaha Wasiirada ayaa la hor keenay sharcigan oo kulan degdeg ahaa dib loogu dhigay la-tashiyo u socday madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana maanta ansixiyey Golaha Wasiirada, iyadoo loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si uu u ansixiyo.

Sharcigan Xisbiyada ayaa oo hore loogu badhigay xisbiyada, laakiin sharciga Doorashooyinka ayaa dhalin doona muranka ugu weyn, iyadoo aan laga talogelin Maamul Goboleedyada iyo dhinacyada siyaasadda, waxaana lagu wadaa in looga doodo shirka Magaalada Garowe la filayo inuu ku dhex maro Maamul Goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON