Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya inuu magaalada Nairobi ka dhacayo shir u dhaxeeya dowladda Federaalka Somalia iyo Somaliland.
Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa sheegay inuusan jirin kulan u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo ka dhacaya magaalada Nairobi, isagoo meesha ka saaray warar kulankan ku saabsan oo si weyn loogu baahiyey warbaahinta.
“Wakiilo ka socda dowladda Somalia, kama qeyb galayaan kulanka la filayo ee kalsooni dhiska magaalada Nairobi. Si kasta ha ahaatee waxaan xaqiijineynaa in dowlada Somalia ay ka go’an tahay inay Somaliland la gasho wadahadal dhab ah marka iyo waqtiga ku haboon oo la isku waafaqo dadka ka qeyb galaya..” ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada Somalia oo farriin cad soo diray.
Shirka Nairobo ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, waxayna wararku sheegayaan inuu yahay mid heer hooseeya oo NGO ku saabsan.