Thursday, July 3, 2025

DEGDEG: Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday Qarax laga beegsaday iyo faahfaahin..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho oo laga beegsaday sarkaal ka tiran ciidamada Booliska.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Warshadda Caanaha, agagaarka Albaraka, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in lala beegsaday Gaashaanle Sare Maxamed Daahir oo ka tirsan Saraakiisha Booliiska.

Sarkaalka yaa la xaqiijiyey inuu ka badbaaday Qaraxa oo ahaa Miino lagu qarxiyey gaarigiisa oo goobta marayey, balse uu wax yar uga fakaday qaraxa.

Sarkaalkan oo hore dhowr jeer uga badbaaday qaraxyo lala beegsaday oo la doonayey in lagu khaarijiyo. Lama soo werin qasaare kale oo qaraxu dhaliyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON