Ergada halkan soo fadhida cidna kama garaneyno, codna ma weydiisan karno, waanan qaadacnay Doorashada
Doorashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#233 oo ay ku tartamayeen shan musharax, kana mid ahaa kuraasta la filayey in si weyn loogu loolamo ayaa fadeexad ka dhacday markii ay qaadaceen musharixiintii tartamayey oo sheegay inay garaneyn ergada codeyneysa.
Waxaa kursiga isugu soo sharxay shan musharax oo kala ah:
1- Axmed Cusmaan Diiriye
2- Dayib C/qaadir Jaamac
3- C/xakiin Maxamud Colaad
4- Muna Cali C/llaahi
5- Ibraahim Aaadan Muuse
Laba musharax ayaa markii khudbooyinka lasiiyey qarxiyey fadexexad ku saabsan ergada wax dooraneysa, waxayna shaaciyeen inay qaadaceen Doorashada, taasoo ay sabab uga dhigeen inaysan garaneynin ergada ay codka ka doonayaan.
“Ma garan karo si aan cado u weydiisto ergo aanan cidna ka garaneyn.. Dadkani ma garanayo, mas’uuliyadna uma qaadi karo, waanan qaadacay Doorashada,. khilaafaadka ayaana gaarsiinayaa dacwadeyda…” ayuu yiri Musharax C/xakiin Maxamuud Colaad oo qaadacay Doorashada.
Musharax Muna Cali C/llaahi oo khubad dheer jeediyey ayaa iyaduna qaadacday doorashada kursiga.”Hal xaaraan ah Nirig xalaal ah ma dhasho.. ergada halkan joogta cidna kama garanayo, waanan qaadacay doorashada, dacwad ayaan ka xigaa..” ayey tiri Musharax Muna.
Xubnaha Doorashada Kursiga HOP#233 qaadacay ayaa isaga baxay goobta Doorashada, waxaana sidoo kale ka haray Ibraahin Aadan Muuse, iyadoo ay markii danbe isugu soo hareen Axmed Cusmaan Diiriye iyo Dayib C/qaadir Jaamac.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Musharax C/xakiin Maxamuud Colaad ayuu ku sheegay inay doorashadii iyo ergadii Beesha Arab ay afduubteen Mahdi Guuleed iyo xildhibaan Bixii Iimaan Cige oo kasoo jeeda Beesha Ciidagalle, ayna musharax ay wataan u xiteen kursiga, una sameeyeen ergo an beeshooda ahayn, laguna waday Gaari Bulletproof ah.
“Ergadeena waxaa ku jiray: Daarood, Raxanweyn iyo Hawiye, inta kale waxaa keensaday Mahdi Guuleed iyo Nin Biixi la yiraahdo dacwad ayaan geyn doonnaa, waanan daba taagnaan doonnaa” ayey tiri Muna Cali oo ka mid ahayd musharixiintii qaadacay Kursiga.
Natiijadii ayaa noqotay inuu kusoo baxay Axmed Cusmaan Diiriye 65 cod Dayib C/qaadir uu isna helay 36 cod.
