Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka digay inay dagaal sokeeye dhalin karto Doorashada ay dooneyso dowladda Soomaaliya inay dalka ka qabato.
Isagoo khudbad Bille ah ka jeediyey magaalada Garowe ayuu sheegay inay xukuumadda Federaalka Soomaaliya wado qorshe halis ah, oo lagu marin-habaabinayo doorashada madaxtinimada dalka, isla markaana ku fashilantay mudadii ay xilkaheysay inay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay faraha kula jirto qorshe halis badan oo dalka dib loogu celinayo doorasho ku dhisan hannaanka 4.5, taasina aysan Puntland marnaba aqbali doonin.
“Waxaan aad uga digeynaa nidaam 4.5 ah oo dastuuri laga dhigayo, arintaas waxay abuuri kartaa khilaaf ay adag tahay in dib la isaga soo noqdo.. suutagal ma aha in Baarlamaan ku yimid 4.5 inay ka taliyaan nidaam kama danbeys ah, iyaga ayaa soo xulis lagu keenay oo aan la dooran.. Waxaan ka digeynaa nidaam Doorasho oo sababa dagaallo sokeeye, dib u dhac iyo kala irdhow inaan dalka loo horseedin. gaar ahaan waxaan aad ugala talinayaa arrintaas Madaxweyne Farmaajo inuusan taariikhda ku gelin..” ayuu si cad u yiri Siciid C/llaahi Deni.
Madaxweynaha Puntalnd ayaa caddeeyay in heshiiskii 2016 dhexmaray Puntland iyo dowladda Federaalka lagu go’aamiyay, in aan mar dambe dib loogu laaban doorasho ku salaysan nidaamka 4.5.
