Sunday, July 13, 2025

DHAGEYSO: C/weli Gaas oo Muqdisho u tegay ololaha Doorashada [“Waxan ogaaneynaa isbedelka dhacaya…”]

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa galabta tegay magaalada Muqdisho isagoo ay la socdaan wafdi uu hogaaminayo.

C/weli Gaas waxaa sheegay inuu Muqdisho u tegayo sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa oo ula socon lahaa doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana Puntland ay kaalin ugu yeelan lahayd isbedelka ka dhacaya Soomaaliya sida uu yiri.

Hadalka Madaxweynaha Puntland waxaa ka muuqda inuu taageersan yahay isbedel ku yimaada hogaanka dalka oo micnaheedu yahay inaan dib loo dooran Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo sanadkii 2012 uu sidan oo kale ugu ololeeyay inuu isbedel dhaco xilligaas oo uu taageersanaa Xasan Sheekh.

Wafdiga C/weli Gaas waxaa ka mida guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland iyo ciidamo ilaalo u ah.

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON