Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrintii sababtay in xilka laga qaado guddoomiyihii xilka uga horeeyay ee Taabit Cabdi Maxamed.
Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacday mid ka mida degmooyinka Muqdisho ayuu ka sheegay in Shacabka kunool Caasimadda ay heli doonaan Xuquuqdooda Siyaasadeed ee ku aadan Caasimadda, iyadoo sanadkan uu noqon doono sida uu yiri mid noo diyaar garoobo doorashooyin ka dhaca Gobolka Banaadir.
“Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayaheeda, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka, waxaan u istaagi doonaa in aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka” ayuu yiri Eng. Yariisow.
Muddo laba sano oo dowladda Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo iyo muddo sanad ah oo Guddoomiye Yariisow uu xilka hayo ayaanay jirin cid soo hadal qaaday Maqaamka caasimadda Muqdisho.
Gudoomiyihii ka horreeyay Yariisow Taabid Cabdi Maxamed ayaa xilkiisa ku waayay raadinta Maqaamka Caasimadda ka dib markuu uu abaabulay Shir looga hadli rabay in Muqdisho ay yeelato Matalaad Siyaasadeed.
DHAGEYSO