Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa mar kale ka bilowday Gobolka Galgaduud, iyadoo loo diyaar garoobayo dagaal ka dhan ah Alshabaab oo ku wajahan Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay ciidamada xoogga Iyo kuwa Galmudug ee loo diyaairnayo howlgalada la ilayo inay ka bilowdaan Gobolka Galgaduud.
Cali Ciid ayaa Ciidamada is-garabsanaya u sheegay inay dhowaan u dhaqaaqi doonaan howlgallo lagu xoreynayo degaanada Gobolka Galgaduud oo madaxda Galmudug iyo Dowladda Federaalka ay go’aan ku gaareen in bishan dib loo bilaabo howlgalladii Gobolka Galgaduud.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa dhiirigeliyay ciidamada Galmudug ku sugan, waxaana wararku sheegayaan inuu jiro diyaargarow dagaal oo Alshabaab ka dhan ah dhinaca Galmudug oo muddooyinkii danbe uu gaabis noqday.
