Friday, July 18, 2025

Dilka Xildhibaan Aamina oo kordhiyey Tuhunkii Wada-shaqeynta Kooxda Farmaajo iyo Alshabaab

Akhriso: Siyaasiyiin iyo Dadweynihii ugu badnaa oo Madaxtooyada Soomaaliya ku tuhunsan khaarijinta Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne oo lagu laayey dad ay ka mid tahay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne oo ay degan yihiin madaxda maamulka iyo musharixiinta, waxaana geystay qof is-miidaamiye ah oo si toos ah u beegsaday Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, wuxuuna halkaas ku dilay xildhibaannada iyo dadkii la socday.

Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ayaa ahayd xildhibaanad caan ah oo difaacda xuquuqda dadka, waxayna si gaara ugu istaagtay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA, taasoo lagu waayey Hay’adda, lagu tuhmay madaxda NISA.

Waxay olole ugu jirtay in dib loogu doorto kursiga HOP135 oo ay ku fadhiday 9-kii sano ee la soo dhaafay, laakiin waxaa dagaal kula jiray Madaxtooyada Soomaaliya oo wadatay musharax ay dooneysay in kursigaasi loo xiro.

Arrimahaas oo dhan waxay dhaliyeen shaki iyo tuhun ku saabsan in Madaxtooyada Soomaaliya ay ku lug lahayd khaarijinta Xildhibaan Aamina, inkastoo ay Alshabaab fulisay, waxaana tuhunkan qaba dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka oo mowqifkooda ku muujiyey Baraha Bulshada.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa si cad u sheegay inay xildhibaan Ikraan u dhimatay kiiska Ikraan Tahliil, isagoo si toos ah u tuhmay Farmaajo iyo kooxdiisa. Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna sheegay in dilka uu yahay mid siyaasadeysan.

Madaxweynihii hore ee Hirshabealle Maxamed Cabdi Waare oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee ka fal celiyay waxa Beledweyne ka dhacay ayaa ku dooday inaan sinnaba Villa Somalia uga baxsan karin ku lug lahaanshaha dilka xildhibaan Aamina.

Falcelin ay dadka Soomaalida ka bixiyeen Tacsida uu Maxamed Farmaajo soo dhigay Bogga Villa Somalia ee Facebook ayaa ku dhowaad 90% waxay dadku ku eedeeyeen Farmaajo iyo kooxdiisa inay iyagu dileen AAMINA, haddana ay tacsi u dirayaan..!

Dareenka sii kordhaya ee siyaasiyiint iyo dadka caadiga ah wuxuu muujinayaa in hoggaanka Farmaajo laga aamin baxay oo ay mar kale sii xoogeysatay fikradda ah inay kooxda Farmaajo iyo Fahad ay la shaqeeyaan Alshabaab, xitaa haddii ay taasi tahay ka badbadis, waxaa hadda dadku aqbalayaan in Farmaajo iyo Alshabaab ay yihiin ‘LABA SHABAAB’ , waana heerka ugu xun ee laga aamini lahaa kooxda dalka maamuleysay 5-tii sano ee lasoo dhaafay oo weli xilka ku dhegan, rajana ka qabta inay soo laabato ama iska sii heysato hoggaanka.

Xildhibaan Aamina AUN. Waxaa igu maqaalaa in naftiI-haliguhu isku duubay, haddii ay taasi rumowdo, ma garanayo sabab ay AlShabaab ugu muhiimsanaatay dilka Amina xildhibaanada iyo madaxda kale ee dhoobnaa madaxtooyada Beledwayne. Xil. Amina dadkii ay is hayeen faraa ku godan” -XUSEEN SHEEKH CALI- agaasimaha Machadka Hiraal- la-taliyihii hore ee Amniga Farmaajo iyo Xasan Sheekh.

Goobjooge.net

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON