Monday, June 23, 2025

Diyaarad Magaalada Garowe ka qaaday Madaxweynaha Puntland & Wafdi balaaran oo ku sii jeeda Kismaayo & Wararkii..

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya ina madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo wafdi balaaran oo la socda ay diyaarad ka raaceen magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi iyagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ka mida wasiiro, xildhibaano iyo qeybaha bulshada ee Puntland, waxayna magaalada Kismaayo uga qeyb geli doonaan caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in wafdi ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay iyaguna maanta tagaan magaalada Kismaayo, iyagoo ka dhoofi doona magaalada Muqdisho , kadib markii dowladda federaalka a y qaaday xayiraadii socdaalka ee siyaasiyiinta ka saarneyd tegista caleemo saarka Axmed Madoobe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON