Tuesday, January 26, 2021

Diyaarad uu la socday Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo cilad qabsatay, kana laabatay Beledweyn

Diyaarad ay la socdeen wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle C/xakiin Luqmaan ayaa cilad ku qabsatay hawada magaalada Beledweyne, taasoo keentay inay dib ugu laabato magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ka baxday garoonka magaalada Jowhar ayaa la sheegay in iyadoo u dhow Garoonka Beledweyne uu fariistay mid ka mida labadii matoor ee ay ku duuleysay, taasoo keenay inay xaalad adag soo food saarto, kadibna uu duuliyaha go’aansado inuu diyaaradda dib ugu celiyo magaalada Muqdisho.

Ad

Diyaaradda oo iyadoo hal Matoor ku duuleysa si nabad ah uga degtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Xildhibaanno fara badan oo ka caaray Jowhar kuna siijeeday Magaalada Baladwayne.

Safarkoodii halista galay ayaa ugu danbeyn waxay ka degeen magaalada Muqdisho, halkii ay doonayeen inay tagaan magaalada Beledweyne.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

153,927FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow
153,927FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!