Monday, July 14, 2025

Diyaaradii Madaxweynaha Puntland kasoo qaaday Boosaaso oo ka degtay Garowe & Safarkiisii Kismaayo oo dib..

Diyaaradii uu la socday madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ee kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa ka degtay magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi, iyadoo hore loo sheegay inuu kusii jeeday magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha Deni uu dib ugu dhacay maalinta berri ah kadib markii waqtiga diyaaradda ku beegmeyso Garoonka Kismaayo iyo arrimo farsamo ay dhaliyeen dib u dhaca wafdiga madaxweynaha Puntland oo ku adkeystay inuu tegayo magaalada Kismaayo, kana qeyb galayo caleemo saarka Axmed Madoobe.

Wafdiga Siciid C/llaahi Deni ayaa hadda ku sugan magaalada Garowe, waxayna isu diyaarinayan inay maalinta Berri ay u duulaan magaalad Kismaayo, iyadoo warar aan weli la xaqiijin ay sheegayaan inay dowladda federaalka qaaday xayiraadii siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ka saarneyd inay tagaan magaalada Kismaayo la qaaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON