Monday, July 7, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo u jawaabay Madaxweynayaashii hore : “Kuwa aaminsan inay Qasab ku hoggaamin karaan dalka..”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u jawaabay siyaasiyiinta ka horjeeda maamulkiisa, isagoo u sheegay inuusan gorgortan ka galeynin qaranimada, isla markaana aanu aqbali doonin cid kasta oo ka hor imaaneysa qaranimada.

“Haddii aya jiraan kuwo aaminsan inay qasab ku hoggaamin karaan dalka, waxaan leenahay dalkeenu waa ka gudbay xiligii jahawareerka..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeystay inuusan marna aqbali doonin in dib loo celiyo qaranimada iyo horumarka dowladda iyo caqabad loo dhigo ama la is hortaago dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed.

Warkan ayaa u muuqday mid jawaab u ah hadallo dhowaanahan kasoo yeerayay madaxweynayaashii hore ee dalka oo kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu dalka ku wado dariiq khaldan iyo kala tag.

“Waxaan naga go’an inaan dhageysano cid kasta oo wax tabaneysa, waxaan naga go’an inaan garowshiyo siino cid kasta garowshiyo leh, waxaan naga go’an inaan raali galino cid kasta oo raali galin mudan waxaan naga go’an inaan ka mira dhalino dib u-heshiisiin waarta oo ka hirgasha dhammaan gayiga Soomaaliyeed laakiin marna ma ogolaan doono inaan dib u laabano marna ma ogolaan doono inaan aqbalno wax qaranimada ka yar,marna ma aqbali doono cid kasta oo is hortaagta dib u-yegleelida Qaranimada Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga 6-aad ee labada Gole.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadka qaarkii ay si khaldamn u fahmeen nidaamka efederaalka, kaasoo uu sheegay inuusan madax banaani gaar ah siineynin dowlad goboleedyada, wuxuuna yiri: “Nidaamka Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeed, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa wy saaran tahay dowladda Federaalka”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON