Friday, June 27, 2025

Dowladda Farmaajo oo weli dagaal kula jirta Dowladii hore ee Xasan Sheekh [Keyd la tirtiray]

Dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weli dagaal kula jirta dowladii xilka uga horeysay ee Xasan Sheekh hoggaaminayay.

Inta badan macluumaadkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo waxqabadkii dowladii uu hoggaaminayay ayaa laga tiray keydadka online ka baraha rasmiga ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya sida muuqalada, sawirrada, Warsaxaafeedyada, Khudbooyinka qoraalka ah iyo document-yadii qoraalka ahaa ee waxqabadkii dowladdii hore.

Bogga Madaxtooyada Soomaaliya ee www.villasomalia.gov.so oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa lagasaaray dhammaan macluumaadkii afartii sanno ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, iyadoo iminka website-ka madaxtooyada macluumaadka ku keydsan ka soo bilaabanayaa waqtigii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Website ka Madaxtooyada ayaa waxaa maamula Waaxda Wafaafinta Madaxtooyada, hayeeshee lama oga sababta rasmiga ah ee loo masaxay maadama macluumaadka uu yahay mid uu lee yahay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waajib tahay in maamul walba oo soo mara madaxtooyada uu xifdiyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan uu ka danbeeyo agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji oo u muuqda inuusan weli ka bogsoon khilaafaadkii siyaasadeed ee hor u dhex maray Faarax Sheekh C/qaadir iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Bogga Madaxtooyada ayaa waxaa lagu soo kordhiyay qeyb luqada Carabiga ah, iyadoo horay labo qeyb oo luqadaha Soomaaliga iyo English-ka ay laheyd.

Arrimaha xusida mudan ayaa ah in labo ka mid ah muuqaaladii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo kaliya ay ku hareen bogga, iyadoo weliba muuqaaladaasi aysan caadi uga muuqan ee laga qariyay bogga Youtube-ka, taasoo muujineysa in dhamaan wixii kale ee ku jiray laga tiray, waxaana qeybta muuqaalka ku jira kaliya labo video oo kala ah Khudbadii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ee furitaankii Garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo Xafladii sanad-guurada labaad ee doorashadii C/wali Gaas ee Garowe.

Sidoo kale qeybta dhageysiga ee bogga (Audio) ayaa waxaa ku jira wajahda kore illaa afar ciwaan qoraaleed oo marka gudaha loo galo aanay ku jirin qoraalkii oo dhameystiran.

Waxaa bogga lagu soo kordhiyay qeyb cusub (Category) oo loogu tala galay Madaxweynayaashii hore oo ah meel wali banaan oo aan wali la soo dhigin keydadkii madaxdii hore.

Baraha online ka ee Xafiiska Warfaafinta  Madaxtooyada  sida website-ka Villa Somalia, Twitter Villa Somalia oo ah midka ugu caansan Soomaaliya, facebook, iyo baraha kale ee online ka  ayaa la abuuray ama la sameeyey xilligii dalka uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo loo isticmaalayey in farriimaha Madaxweynaha lagu gudbiyo laguna keydiyo.

SourceJowhar

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON