Sunday, July 6, 2025

Dowladda Mareykanka oo Baaq cusub iyo hanjabaad u dirtay Madaxda Soomaalida ee ku lug yeesha…

Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa baaq cusub iyo digniin wada socda u dirtay madaxda Soomaalida, iyadoo war kasoo saartay dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay State Department ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka Mareykanka wuxuu si weyn uga walaacsan yahay iska hor imaadyadii rabshadaha watay ee dhowaan ka dhacay magaaladaMuqdisho.

Mareykanka wuxuu baaqay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda. “Wadahadal iyo is afgarad ayaa ah dariiqooyinka kaliya ee lagu xalin karo is-mari waaga Doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada inay dib u bilaabaan wadaxaajoodka hal mar si loo gaaro wadadii lagu heshiiyey ee horey loogu mari lahaa doorashooyinka deg degga ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Waxaa la xusuusiyey madaxda Soomaalida inuu Mareykanku diyaar u yahay tallaabooyin laga qaado kuwa wada rabshadaha ee abuuraya xasilooni darrada, sida uu hore u sheegay xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken.

“Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhamaan tallaabooyinka la qaadi karo oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo falalka lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON