Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay ciidamo nabadsugid dhar-cad ah oo ka qeyb qaadanaya sugidda amniga magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa lagu arkay Isgoysyada Muqdisho iyo Suuqa Bakaaraha iyagoo qaarkood fuliyey howlgallo ay laba qof ku dileen dhowaan suuqa Bakaaraha, taaso cabsi weyn gelisay dadka Muqdisho iyadoo aan la kala garan karin kooxaha Alshabaab ee dilalka qorsheysan fuliya iyo ciidamad dhar-cadka ah ee nabadsugidda dowladda.
Ciidamada Amniga Caasimadda loo yaqaan SAMA ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin ciidamada dhar-cadka ah ee la howlgalaya ciidamada dowladda Federaalka u diyaarisay in muddo 90 maalmood ah lagu soo celiyo amniga caasimadda.
Dadka saaran gadiidka dadweynaha iyo kuwa leh gaadiidka gaarka ah ayaa waxaa baaritaan ku sameynaya ciidamo aan lebisneyn oo ka mida sirdoonka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ciidamo noocaasi ah laga howlgeliyo caasimadda.
Dadka qaarkii ayaa arrintan cabsi ka muujinaya iyadoo is weydinaya sida ay ku kala garan karaan ciidamada Amniga iyo kuwa shabaabka mar haddii aanay jirin wax lagu kala sooci karo, waxayna xaaladu kasii dartay markii ciidamada dharcadka ah ay bilaabeen inay gawaarida joojiyaan oo ay baaraan.
Inkastoo ciidamdaasi howlgalayaan haddana waxaa caasimadda ka socda falal dilal khaarijin ah oo si weyn u sii kordhay bishan Ramadaan.