Tuesday, April 16, 2024

Dowladda Somaliya oo Shacabka ka raadineysa xiriirada kooxaha Lacagaha u qaada Alshabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa Amarro cusub kasoo saartay dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee ka dhanka ah Alshabaab, si looga hortago dadka aruuriya baadda ay argagixisadu ka qaado Ganacsatada.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirrada Maaliyadda iui Amniga ayaa lagu shaaciyey dagaalkan cusub iyo farriin loo diray dadka oo ku saabsan qaabka looga horegayo Alshabaab.

Qoraalka xukuumadda oo uu akhriyay Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafint ayaa u qornaa sida soo socoa:

Ad

Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya markii ay aragtay in lacagaha baada ah ay Al-Shabaab ka qaadayaan Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay u adeegsanayeen qaraxyada ay ku beegsadaan Goobaha dadweynaha, dilalka qorsheysan & werarada tooska ah oo ay ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Markii ay aragtay dowladda waajibka ka saaran ilaalinta hantida sharafka iyo ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyada oo dardar gelineysa dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab & kooxaha kale ee Argagaxisada ah, waxay Maanta ku dhawaaqeysaa hab lagula dagaalamayo lacagaha ay ka qaadaan dadka Soomaaliyeed.

1:- In dadka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan sidii dowladdu u heli laheyd dadka Al-Shabaab u qaabilsan qaadida lacagaha baada ah oo ay ka qaadaan Ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana ay dowladda kala soo xiriiraan tel: 0610404036 ama 0610404037.

- Advertisement -

2:- Tallaabadan waxaa ay qeyb ka tahay dagaalka Maaliyadeed ee ka dhan ah Al-Shabaab oo ay dowladda kula jirto, isla markaana xogta ay shacabka dowladda la wadaagaan ay muhiim u tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab lana yareeyo dilalka qorsheysan qaraxyada.

3:- In dowladda Soomaaliya ay caddeyneyso in tallaaba kasta oo uu qaado muwaadin Soomaaliyeed ee xog ka haayo Al-Shabaab aaladaha ay u isticmaalaan qaadista lacagaha inay u aqoonsan yihiin muwaadin ka qeyb qaatay badbaadinta nafta dadka Soomaaliyeed.

Raadinta xogta Alshabaab iyo shabakadaha ay ku qaadaan lacagta ayaa ah kuwo fara badan oo xiriir la leh Ganacstada iyo Gaadiidleyda Gobollada dalka, waana shaqada hay’adda NISA ee Sirdoonka iyo Nabadsugidda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON