Monday, July 14, 2025

Dowladda Soomaaliya oo tallaabooyin cusub ku soo kordhineysa Ammaanka Muqdisho [Dhageyso]

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay isbedel lagu sameynayo qorshaha sugidda ammaanka magaalada Muqdisho.

Guddi loo saaray amniga caasimadda ayaa golaha wasiirada u soo jeediyay qodobo lagu doonayo in lagu xoojino nabadgelyada magaalada Muqdisho, taasoo la iska gartay in lagu xoojiyo howlgallada.

Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in Guddi heer Wasiiro ah oo loo xilsaaray inay talo ka soo jeediyaan sidii loo dardar gelin lahaa sugidda amniga ay soo jeediyeen qorshooyin ay ka mid yihiin:

Ciidamo gaara oo Ingiriisku tababaray oo howlgal ka bilaabay

1- In amniga loo sugo qaab magaalada loogu qeybinayo degaanno, loona marayo deriseyn.

2- In Gaadiidka magaalada dhexdeeda loo sameeyo Taargooyin Gaar u ah, si loo kala garto gaadiidka magaalada soo gala.

3- In Kaamerooyinka CCTV lagu wada xiro Wadooyinka magaalada

4- In Wacyigelin dadweynaha la xoojiyo.

Lama oga sida loo hirgelinayo qodobaddan iyo cidda u xilsaaran iyadoo laga yaabo inay fekrad uun ku dhammaadaan, xilli laga war dhowrayo qaab lagu yareyn xaaladda amni darro.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON