Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duqeynta ayaa lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab ku lahaayeen xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan yabaal, waxayna dowladda Soomaaliya sheegtay in labada goobtaasi Alshabaab u adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka la burburiyay.
Waxaa la sheegay in goobtaasi ku jireen gaadiid lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, iyada oo duqeynta kadib uu dab ka kacay halkaasi. Xaaladda Aadan yabaal ayaa kacsan, waxaana la sheegay in Alshabaab ay bilaabeen inay kala baxaan hubkooda.
Duqeyntii hore ayaa shalay lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 12 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, oo ay ku jiraan saraakiil sare sida ay baahisay warbaahinta dowladda.