Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay Caawa fal toogasho ah ka fulisay degmada Waaberi.
Falkan ayaa la sheegay in loo geystay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana askariga magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan, waxaana rasaas ku furay saddex dabley dhalinyaro oo ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaasoo meesha baxsaday markii ay dilka fuliyeen.
Askariga ayaa lagu weeraray gurigiisa oo u dhow degmada xarunta Waaberi, iyadoo aanay jirin cid u soo gurmatay, iyadoo muddo kadib ay goobtaasi gaareen ciidamada amniga, iyadoo aan la soo werin cid loo qabtay weerarkan.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray, waxaana loola cararay isbitaal lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad oo ah mid halis ah. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu askariga u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.