Tuesday, July 1, 2025

Faahfaahin laga helay Ganacsade caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay toogasho ku dishay ganacsade caan ka ahaa degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banadir.

Dilka Ganasade Sheekh Salaad Ciise ayaa ka dhacay Xaafada Jungal, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana fuliyey dabley hubeysn oo weerar ku qaaday ganacsadaha oo ahaa nin caan ka ah degaankaasi iyo magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana markaas kadib gaaraya ciidamada amniga, iyadoo meydkiisa la geeyay xarunta CID-da si baaritaan loogu sameeyo.

Xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehelka Ganacsadaha la dilay oo ay ku tilmaameen Nin cibaado iyo Alle ka cabsi badnaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON