Monday, June 23, 2025

Faahfaahin: Qarixii lagu dilay C/casiis Afrika iyo Alshabaab oo shaacisay inay Howlgal Gaara ku dishay

Alshabaab ayaa sheegatay inay dilka C/casiis Afrika ay ugu aargudeysay xubno ka tirsan Alshabaab oo uu ka mid ahaa Xasan Xanafi

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax caawa lagu dilay agaasimihii Idaacadda Radio Muqdisho Weriye C/casiis Maxamed Guuleed Afrika.

Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho xilli uu kasoo baxayey, waxaana War kasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in weerarka uu ahaa is-miidaamin lagu beegsaday agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamed Guuleed (Africa).

Ninka is-miidaamiyaha ahaa ayaa la sheegay inuu dibadda maqaayadda ku sugayey gaariga uu la socday C/casiis Afrika, markii uu soo baxayna uu Daaqada gaariga ee uu soo xigay agaasimaha qabsaday kadibna is-qarxiyey.

Afhayeenka howlgallada Alshabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay Caawa fiidkii fuliyeen weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho. “Weerarka wuxuu camaliyad ishtish-haadi (is-miidaamin) ah oo la beegsadeen masuuliyiin uu kamid yahay Cabdi Casiis Afrika” ayaa llagu yiri qoraalka.

Alshabaab waxay sheegtay in Cabdi Casiis Afrika ay in muddo ah ku raad joogtay, iyadoo ku eedeysay in loo heystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Alshbaab ka tirsan.

Ragga loogu aarguday Cabdi Casiis Afrika ayey Alshabaab ka xustay inuu kamid ahaaXassan Xanafi Xaaji oo lagu toogtay Muqdisho markii lagu helay dilka saxafiyiin fara badan.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa is-miidaamain: “Qaraxa sida ay Cadeeyeen Kooxaha Farsamayaqaanada Boliiska gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondhere wadada Busley ayaa wa halmar Daaqada Gaariga ku Booday oo Qabsadey Qof Naftii Halige Ah. Qaraxa ma aha qarax Gaariga lagu xirey, Waxaana yaala qeyb ka mid ah Jirka Naftii haligaha” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON