Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa saddex qof oo xalay toogasho lagu dilay degmada Waaberi eemagaalada Muqdisho, mar ay dabley hubeysan weerar ku qaadeen.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay agagaarka Baar Ha-i-dhaafin, iyadoo halkaasi lagu dilay saddex qofoo rag ah markii koox ku hubeysan Bistoolado ay rasaas ku fureen, iyadoo weerarka kadib goobta ka baxsaday. Wararkii ugu horeeyay ee sheegayay in dadka la dilay ay ahaayeen shacab, ayna wateen Mooto Feko, balse warar kale ayaa sheegaya inay ahaayeen ciidamo ka tirsan sirdoonka.
Alshabaab ayaa sheegatay dilka saddexda qof, waxayna ku sheegtay inay ka tirsanaayeen sirdoonka dhar-cadka ah ee Dowladda Soomaaliya, iyagoo markii la dilay laga furtay bistooladihii ay wateen, sida lagu sheegay warka Alshabaab. Dhinaca Hay’adaha Amniga dowladda ayaan wax War ah kasoo bixin.
Ciidamada Booliska ayaa xalay tegay goobta dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydka ragga dilay, laakiin laguma guuleysan in lasoo qabto kuwii dilka geystay.
Dhinaca Alshabaab ayaa sheegatay inay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cusmaan Calasow.